Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ka hadlay Finla-ka tartanka champions League ee ka dhici doona Istanbul.
Jamie Carragher ayaa sheegay in uu doonayo in ay Inter Milan ku guulaysato champions Legaue xilli ciyaareedkan halka uu sidoo kale ku digtay kooxaha Arsenal Iyo Man United.
Halyeeyga Liverpool ayaa boggisa Twitter-ka ku qoray”Caawa Final-ka champions League waxan doonayaa in ay Inter ku guulaysato sida iska cad”.
“Laakiin ma jiro xiddig horay ugu soo ciyaaray Man United iyo Arsenal oo ka fiican xiddigaha Man City ee haatan hadii xaqiiqada laga hadlo”ayuu sii raaciyay.
Man City ayaa raadinaysa koobkeedii 3-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan kadib markii ay ku guulaysteen koobabka Premier League iyo Fa Cup-ka.

Related



Source link