Xiddiga reer Brazil ee Kaka ayaa ka hadlay finalka Champions League ee dhawaan dhexmari doona kooxaha Manchester City iyo Inter Milan.
Manchester City iyo Inter Milan ayaa ku kulmi doona maanta final-ka champions League kulan ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
“Waa wax aad u wanaagsan inaan daawano kulamadan oo kale”ayuu Kaka u sheegay Sky Sport.
Waxa uu intaa ku daray, “Nasiib darro, ma ahan Ac Milan laakiin Inter waxa ay matalaysaa kubada cagta Talyaaniga”.
Isaga oo saadaashiisa ka hadlaya ayuu yidhi”waa Kulan wax walba dhici karaan, Man City ayaa ugu cad-cad laakiin waxa aan daawan doonaa kulan qurux badan”.
Related