Xiddiga Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda Inter Miami kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda PSG isaga oo iska diiday ku laabashada kooxda Barcelona, saaxiibkii hore ee Messi Carlos Tevez ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u diiday Barcelona.
Messi waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid ee Barcelona, isagoo dhaliyay 672 gool iyo 303 caawin 778 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or 7-da jeer ayaa kadib koobkii adduunka uu kula guulaystay xulka Argentine ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee lagu heli karay qaab xor ah waxana lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Al-Hilal.
Laakiin waxa uu diiday Barca iyo Al-Hilal si uu ugu biiro mashruucii David Beckham ee Inter Miami, haatan Tevez – oo ka soo garab ciyaaray Messi intii u dhaxaysay 2005 iyo 2015 – ayaa ka hadlay go’aankii saaxiibkiisii hore.
“Ma jiro qof ka xun in ka badan Inta uu Lionel Messi ka xun yahay in uuna ku laaban kooxda Barcelona”ayuu Tevez yidhi.
“Wuxuu qaatay go’aan isagoo ogaanaya oo fahmay xaaladiisa”.
“Ma uusan dooneynin inuu ku laabto Barcelona oo saaxiibadiis la iibiyo, ama la dhimo mushaarkooda taas oo ka dhigaysa qof xun oo sabab u ah arinta ku dhacday xiddigaha ay isku kooxda yihiin”.
Related