Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Paris St-Germain ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City iyo xulka Portugal Bernardo Silva iyaga oo u arka badalka Lionel Messi (Le Parisien).
Kooxda West Ham ayaa Arsenal u sheegtay in ay xiddiga Emile Smith Rowe ku darto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Decland Rice (Sun).
Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa xiddiga kooxda West Ham ee Decland Rice Laakiin Arsenal ayaa ugu cad-cad saxiixiisa (Sky Sport).
Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga kooxda Man City ee Joao Cancelo iyada Man City dalbanayso lacag dhan 45 milyan oo euro (Sun)
Kooxda Man City ayaa wadahadalo hordhac ah la yeelatay kooxda RB Leipzig oo ay ka doonayso saxiixa daafaca Josko Gvardiol (Football Insider).
Kooxda chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Southampton oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia (Football London).
Kooxda chelsea ayaa sidoo kale heshiis afka ah la gaadhay Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana (Tuttomercatoweb)
Kooxda Ac Milan ayaa chelsea ka diiday dalab ay ku doonayso saxiixa Goolhayaha Mike Maignan (L’Equipe).
Paris Saint-Germain ayaa sare u qaadaysa dadaalkeeda ku aadan saxiixa Victor Osimhen, kaasoo loo arko dooqa ugu fiican ee uu kaga garab ciyaari karo Kylian Mbappe dhanka weerarka (Le Parisien).
Kooxda Brighton ayaa chelsea u sheegtay in ay miiska saarto lacag 70 milyan ah iyo waliba xiddiga Levi Colwill hadii ay Blues doonayso saxiixa xiddiga Moises Caicedo (Telegraph).
Hadii ay Bayern Munich waydo saxiixa xiddiga Deland Rice waxa ay u dhaqaaqi doontaa xiddiga kooxda Fiorentian ee Sofyan Amrabat (Sky Sports).
Kooxda Man City ayaa xiddiga Aymeric Laporte u ogolaan doonta in uu isaga tago kooxda suuqa xagaaga (Football Insider).

Related



Source link