Chelsea ayaa xiriir la sameysay AC Milan si ay wax uga weydiiso suurtagalnimada saxiixa Mike Maignan, inkastoo lagu wargeliyay in goolhayaha uusan iib ahayn.
Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa raadineysa inay hesho Goolhaye Cusub iyadoo labada Kepa Arrizabalaga iyo Edouard Mendy la filayo inay baxaan haddii dalabyo ku habboon la helo.
Mendy ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay chelsea xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay laakiin waxa uu xilli ciyaareedkii dhamaaday booskiisa u waayay Goolhaye Kepa kaas oo sameeyay khaladaad badan.
Tababaraha cusub ee chelsea Mauricio Pochettino ayaa dareensan in loo baahanyahay Goolhaye cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe, chelsea ayaa Wadahadalo la yeelatay Ac Milan si ay u helaan saxiixa Goolhayaha Maignan kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Laakiin Kooxda Ac Milan ayaa u sheegtay chelsea in uuna Goolhaye Maignan iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan maadama uu ka mid yahay qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedkan.

Related



Source link