Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa Erling Haaland kulanka Final-ka Champions League ee Sabtida.
Man City ayaa ugu cad-cad kulanka Final-ka Champions League iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga 3 koob xilli ciyaareedkan.
Xiddiga Man City ee Haaland ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isla markaas dhaliyay 52 gool.
Sida tababare kasta, Inzaghi ayaa u baahan in uu ka shaqeeyo sidii uu u joojin lahaa Haaland laakiin tababarhaa reer Italy ayaa sheegay in ayna Man City kaliya ahayn Haaland.
“Dhamaanteen waan ognahay waxa uu yahay ciyaaryahan weyn iyo sida ay City u xoogan tahay”ayuu tababaraha Inter yidhi.
“Si dhaw ayaan ula socon doonaa laakiin ma ahan xiddiga kaliya ee aan isha ku hayn doono maadama uuna Haaland kaliya ahayn Man City oo ay xiddigo kale jiraan”.
Related