Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League kaidb markii uu dhamaaday xilli ciyaareedku.
Waxa shaxda laga dhex waayay xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Ronaldo ayaa 16 gool u dhaliyay kooxdiisa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka soo dhamaaday horyaalka sucuudiga.
Kooxda ku guulaystay horyaalka ee Al-Ittihad ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig.
Kooxda Ronaldo ee Al-Nassr ayaa shaxda ku leh 2 xiddig kadib markii ay kaalinta 2-aad kaga dhamaysteen horyaalka sucuudiga.
Related