Kahor ciyaarta finalka ee sabtida ku dhexmari doona Manchester City iyo Inter Istanbul, GOAL ayaa soo xushay ciyaartoyda ugu bandhiga fiican tartanka
Tartanka champins League ayaan inta badan Niyad jabin taageerayaasha iyada oo xiddigaha ka qayb galay tartanka xilli ciyaareedkan soo bandhigeen qaab ciyaareed ah.
Waxa soo bandhigay qaab ciyaareeed cajiib ah xilli ciyaareedkan kooxo badan kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.
Sidoo kale xiddigo ayaa is muujiyay xilli ciyaareedkan intii uu socday tartanka champions League tan ilaa  bilowgii xilli ciyaareedka.
Ka hor kulanka Final-ka Champions League shabakada GOAL ayaa soo saartay shaxda ugu fiican tartanka champions League intii uu socday.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig halka ay Inter Milan ku leedahay 3 xiddig.
Kooxaha Real Madrid, Napoli iyo Ac Milan ayaa shaxda dhinacooda ku leh min hal xiddig.

Related



Source link