Jurgen Klopp oo la hadlayay warbaahinta kooxda ayaa yiri: “Waxaan kooxdeena ku soo kordhineynaa wiil aad u tayo badan, aad u caqli badan, aad u farsamo badan, kani waa war aad u wanaagsan, uma maleynayo in kubada cagta ay u baahan tahay inaan wax badan ka sheego”.
“Mar horeba si aad ah ayaa loo yaqaan, laakiin way iska caddahay inuu yahay qof ka ciyaari kara boosas badan oo khadka dhexe ah, waxaan odhan lahaa, Alexis waa qof dagan oo qali badan ku ciyaara”.
“Dabcan, waa ciyaaryahan aan naqaanay muddo dheer, waxaana daawaday isagoo ka soo koray wiil yar oo Premier League soo galaya oo noqday nin ka caawiyay dalkiisa inuu ku guuleysto Koobka Adduunka, taasi waa safar aad u dheer”.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay Alexis, talaabadiisa cusub anaga ayaa nala qaadi doonaa waxana aan u wada shaqayn doonaa si fiican anaga oo ka faa’iidaysan doonaa khibrada uu u leeyahay premier League, laakiin sidoo kale wax badan ayaa imaan doona maadaama uu 24 jir kaliya yahay”.
Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Mac Allister ay 35 milyan oo euro kagala soo wareegtay kooxda Brighton ka hor bilowga isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link