Manchester United ayaa ku dhow inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Monaco Axel Disasi, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.
United ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe oo cusub xagaagan iyadoo Eric Bailly uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda sidoo kale kabtanka kooxda ee Harry Maguire uu doonayo in uu isaga tago kooxda.
Daafaca kooxda Napoli ee Kim Min-jae ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United laakiin sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda Ten Hag ayaa haatan riixeysa inay dhameystirto heshiiska Disasi.
Wararka ayaa sheegaya in uu Disasi ogolaaday in uu u dhaqaaqo United xili ay kooxda Premier League ka ciyaarta ay wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda Monaco.
Waxa la rumaysanyahay in ay kooxda Monaco dalbanayso lacag u dhexeaysa 40 ilaa 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo daafaca dhexe.
Disasi ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Manchester City iyo Chelsea, mana uusan qarin rabitaankiisa ah inuu ka ciyaaro Premier League.

Related



Source link