Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee lexis Mac Allister kaas oo ay kala soo wareegtay Brighton.
Liverpool ayaa 35 milyan oo euro ka soo bixisay xiddiga lexis Mac Allister kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay sameeyaan suuqa xagaaga.
“Waxan dareemayaa cajiib, waa riyo run ii noqoay, waa koox cajiib ah ma sugi karo inta aan bilaabayo shaqada”ayuu xiddigu yidhi.
“Waxan doonayaa in aan halkan yimaado maalinta ugu horaysa ee isku diyaarinat xilli ciyaareedka waa wax cajiib ah in wax walba la dhamaystiray”.
“Waxan sugi laayahay inta aan la kulmayo saaxiibadayda cusub”.
“Waxay ii ahayd sanad cajiib ah – Koobka Adduunka, wixii aan la gaarnay Brighton – laakiin hadda waa waqtigii aan ka fikiri lahaa Liverpool”.

Related



Source link