Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay Lambarka Uu xiddiga Alexis Mac Allister u xidhan doono kooxda kadib markii uu ku soo biiray.
Alexis Mac Allister ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Brighton waxana uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.
Liverpool ayaa haatan xaqiijisay in xiddiga Alexis Mac Allister uu kooxda u xidhan doono No.10 inta uu joogo kooxda.
Lambarka No.10 ee Liverpool ayaa ah mid aanu xiddig haysan tan ilaa markii uu Mane ka tagay kooxda Liverpool xagaagii hore.
Sidaas darteed Liverpool ayaa shaacisay in uu xiddiga Alexis Mac Allister qaadan doono Lambarka No.10 ee uu horay ugu xidhan jiray Brighton.

Related



Source link