Xiddiga cusub ee kooxda Al-Ittihad ee Karim Benzema ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad.
Karim Benzema ayaa isaga tagay kooxda Real Madrid kadib 14 sano oo uu joogay kooxda Los Blancos waxana uu ku biiray kooxda Al-Ittihad ee ku guulaystay horyaalka sucuudiga.
Xiddiga reer France ayaa ka hadlay sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Ittihad kadib markii uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda.
“Hagaag sababtoo ah waxaan ahay Muslim waana waddan Muslim ah”ayuu ku sharaxay sababta uu ugu biiray Al-Ittihad.
“Mar walba waxaan rabay inaan halkaas ku noolaado. Waxaan horey u tagay Sucuudiga waanan ku faraxsanahay in aan haatan halkaas ka ciyaaro”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link