xiddiga cusub ee kooxda Al Ittihad ee karim Benzema ayaa jabiyay rikoodhkii uu dhigay xiddiga kooxda al-Nassr ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu xiddiga reer France ku binary kooxda Ittihad.
xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xiddiga ay soo dhaweeyeeen taageerayaasha ugu badan horyaalka sucuudiga markii lagu soo bandhigay garoonka kooxdiisa Al-Nassr iyada oo ay soo dhaweeyeen 23 kun oo taageere.
Laakiin Karim Benzema ayaa durba jabiyay rikoodhkii uu dhigay Cristiano Ronaldo iyada oo tigidhada ah iibsadeen taageerayaasha ka qayb qaadan doona xaflada ay kor u dhaafeen 35 kun oo taageere.
Karim Benzema ayaa maanta 9:30 fiidnimo la soo bandhigi doono kadib shirka uu xiddigu qaban doono.
Karim Benzema ayaa ka tagay Real Madrid kadib 14 sano oo uu joogay kooxda kulana guulaystay koobab badan.

Related



Source link