Waxa ay ahayd go’aan lama filaan ah kadib markii uu Lionel Messi xaqiijiyay ku biirista kooxda ka ciyaarta horyaalka Maraykanka ah ee Inter Miami.
Xiddiga reer Argentine ayaa iska diiday kooxdiisii hore ee Barcelona iyo waliba kooxda Al-Hilal kuwaas oo lacag waali ah u soo bandhigay.
Xiddiga 35 jirka ah ayaa markii ugu horaysay ka tagay qaarada yurub kadib markii uu joogay 17 sano oo uu ku guulaystay 43 koob.
Messi ayaa ku biiraya kooxda Inter Miami laakiin waxa laga yaabaa in uuna noqon xiddiga kaliya ee ku biiri kara kooxdaas inta uu furanyahay suuqa xagaagan.
Kooxda uu iska leeyahay David Beckham ayaa qorshaynaysa in ay Messi kooxda kula soo darto xiddigo uu horay uga soo garab ciyaaray.
Sida laga soo xigtay wargayska Mirrror kooxda Inter Miami ayaa doonaysa in ay kooxda keento xiddigo horay Messi uga soo garab ciyaaray Barcelona.
Kooxda Inter Miami ayaa doonaysa saxiixa xiddigaha Jordi Alba, Sergio Busquets, Antoine Griezmann, Luis Suarez Iyo xiddiga ay Messi isku xulka yihiin ee Angel di Maria
Related