Kooxaha Premier League ayaa lacag badan ku kharash gareeyay suuqa kala iibsiga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23 in ka badan sidii hore iyada oo Chelsea ay hogaanka haysay kooxahaas.
Taageerayaashu waxa ay dareemaan rajo sanad kasta marka kooxdooda lala xidhiidhinayo xiddigo cusub waxana ay filaan in ay wax badan ku soo kordhin doonaan kooxdooda.
Nasiib xumo saxiixyada cusub ayaan dhamaantood wada shaqayn waxana jira xiddigo si weyn u fashilma marka ay ku biiraan koox cusub.
Wargayska Daily Maril ayaa soo saaray 10-kii saxiix ee ugu xumaa ee ay sameeyeen kooxaha premier League suuqii xagaaga.
1.Mykhailo Mudryk (Chelsea)
Kooxda chelsea ayaa xiddiga 22 jirka ah oo kaliya 44 kulan u ciyaaray kooxdiisii hore ka soo bixisay lacag dhan 100 milayn oo euro waxana ka dhigtay saxiixyadeeda ugu qaalisan.
Xiddiga ayaa ku dhibaatooday kooxda waxana uu muujiyay in ay fiicnayn in lagu deg-dego saxiixyada gaar ahaan xiddigaha da’yarka ah iyada oo aan xaaladiisa la qiimayn.
2.Richarlison (Tottenham)
Xiddigan ayaa wacdaro ka dhigay premier League markii uu joogay Everton waxana ay taasi keentay in ay Tottenham 60 milyan kula soo wareegto.
Laakiin xiddiga 26 jirka ah ee reer Brazil ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican waxana uu dhaliyay kaliya hal gool xilli ciyaareedka oo dhan.
3.Marc Cucurella (Chelsea)
Chelsea ayaa u muuqata in khaladkeeda suuqii xagaaga uuna halkaas ku joogin waxana ay mar kale lacag waali ah ka bixisay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Cucurella.
Laakiin xiddiga reer Spain ayaa ku fashilma Blues waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed ceebi ka raacday oo ay kooxdiisuna ku khasaartay.
4.Georginio Rutter (Leeds)
5.Jesse Lingard (Nottingham Forest)
6.Kalvin Phillips (Man City)
7.Neal Maupay (Everton).
8.Fabio Vieira (Arsenal)
9.Gianluca Scamacca (West Ham)
10.Anthony Gordon (Newcastle)

Related



Source link