Sida laga soo xigtay El Mundo, Jude Bellingham waa ciyaaryahanka loo saadaalinayo inuu dhaxli karo lambarka 7 ee Eden Hazard ee Real Madrid.
Real Madrid ayaa wali rajo ka qabta saxiixa Kylian Mbappe laakiin xiddiga reer France ayaan la filayn in uu yimaado kooxda Los Blancos ka hor sanadka 2024.
Kooxda Real Madrid ayaan doonayn in uu xilli ciyaareed dhan banaanado Lambarka No.7.
Bellingham ayaa ku dhaw in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Real Madrid maalmaha soo socda. Heshiiska ayaa ku kacaya ku dhawaad €100m.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska ayaa waligiis xiran jiray lambarka 22 ee Borussia Dortmund. Si kastaba ha ahaatee waxa uu horay England uga xidhay No.7.
Real Madrid, Antonio Rudiger ayaa xirtay lambarka no. 22.
Related