Marka ay Real Madrid ku fashilanto ku guulaysiga champions League oo ay u arkaan tartankooda waxa ay la macno tahay hal arin.
Kooxda Ancelotti oo da’ ahaan sii weynaanaysa waxa garaacay kooxda Man City kuwaas oo ka reebay tartanka sidoo kale waxa lagu garaacay horyaalka La Liga.
Los Blancos ayaa la filayaa in uu is badal weyn ka dho suuqa kala iibsiga xagaaga waxana haatanba la arkay qaar ka mid ah is badalkaas.
Benzema ayaa isaga tagay kooxda kadib 14 sano oo uu joogay kooxda kulana guulaystay wax walba oo suurtagal ah.
Real ayaa la filayaa in ay suuqa galiso lacag aad u badan iyada oo ay jiraan warar sheegaya in ay kooxdu suuqa galin doonto 330 milyan oo euro.
Wargayska Mirror ayaa soo saaray sida ay noqon doonto saxda Riyada Tababare Carlo Ancelotti doonayo in uu ku ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.
Shaxda haatan ee Los Blancos waxa ku cusub 5 xiddig kuwaas oo 2 ka mid ah ka ciyaaraan horyaalka Premier League.
Related