Lionel Messi marna uma dhawayn in uu ku laabto kooxda Barcelona sida laga soo xigtay TYC Sport.
Sababta ka dambeysa taas ayaa ah in kooxdu aysan awood u laheyn inay siiso wax dammaanad ah oo ku saabsan la soo saxiixashadiisa.
Intaa waxaa dheer, Messi ma uusan helin wax dalab rasmi ah oo uga yimid kooxda Barcelona iyada oo ayna xitaa kooxdu ogayn wakhtiga ay u baahantahay si ay ula saxiixato.
Wakhtiga hawl-galka ayaan ahayn mid sax u ah Messi taas oo keentay in uu doorto ku biirista kooxda Inter Miami.
Messi ayaa ka ciyaari doona horyaalka MLS xilli ciyaareedka soo socda kana tagi doona yurub kadib markii uu ku dhawaad labaatan sano ku ciyaarayay halkaas.
Heshiisak Messi ee PSG ayaa dhacaya waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France taas oo keentay in ay iska fasaxdo kooxdu.
Related