Dareenka oo dhan wuxuu ku wajahan yahay Lionel Messi iyo ku laabashadiisa kooxda Barcelona.
Barcelona ayaa muddo u diyaar garoobaysay suuqa kala iibsiga iyaga oo doonaya in ay sameeyaan saxiixyo ay ku xoojiyaan kooxda.
Inkasta oo uu Messi yahay xiddiga loogu hadal haynta badan yahay marka laga hadlayo suuqa Barcelona hadana waxa jirta xiddigo badan oo kale oo ay Barcelona xiiso u qabto.
Xavi ayaa doonaya in uu iska xoojiyo boosas badan oo ay ka mid yihiin khadka dhexe, daafaca iyo waliba weerarka inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Hadaba waxa ana warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ku biiri kara kooxda Barcelona suuqa xagaagan.
1.Lionel Messi (Paris Saint-Germain):
Wararka ku saabsan mustaqbalka Messi ayaa is badalaya saacad kasta laakiin arinta sida weyn loo ogyahay ayaa ah in ay Barcelona doonayso saxiixa xiddiga.
Aabaha Dhalay Lionel Messi ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Lionel Messi doonayo in uu ku laabto kooxda Barcelona si uu mar kale uga ciyaara Camp Nou.
2.Ilkay Gundogan (Man City):
Gundogan ayaa u muuqday mid diyaar u ah ka bixitaanka City todobaadyo ka hor isaga oo ku guul daraystay in uu heshiis cusub u saxiixo.
Kooxda Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga khadka dhexe kaas oo uu Xavi doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.
3.Vitor Roque (Athletico Paranaense)
4.Ruben Neves (Wolves)
5.Benjamin Pavard (Bayern Munich)
6.Martin Zubimendi (Real Sociedad)
7.Gabri Veiga (Celta Vigo)
8.Yannick Carrasco (Atletico Madrid)
9.Joshua Kimmich (Bayern Munich)
10.Joao Cancelo (Man City)
Related