Xiddiga Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka maraykanka sida ay sheegayaan wararku.
Lionel Messi ayaa si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii la xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda PSG.
Heshiiska Messi ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka bishan waxana uu xor u yahay in uu ku biiro kooxda uu doonayo inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Messi ayaa xiiso ka helayay kooxaha Barcelona, Al-Hilal iyo waliba kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka dalka Maraykanka.
Saxafiga reer Spain ee Guillem Balague ayaa haatan xaqiijiyay in uu Lionel Messi go’aansaday in uu ku biiro kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka maraykanka.
Messi ayaa iska diiday kooxdiisii Hore ee Barcelona iyo waliba lacagta sucuudiga si uu ugu biiro Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka maraykanka.
Related