Xiddiga Lionel Messi ayaa ka hadlay sababta uu ugu biiray kooxda Inter Miami oo la xaqiijiyay in uu qaab xor ah ugu biirayo.
Messi oo sii weyn loo  hadal hayay mustaqbalkiisa ayaa go’aansaday in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Lionel Messi ayaa iska diiday kooxaha Al-Hilal iyo kooxdiisii hore ee Barcelona kuwaas oo si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga.
Lionel Messi: “Waxaan ku biirayaa Inter Miami. Go’aanka 100% waa la xaqiijiyay”.
“Hadday arrin lacag ahaan lahayd, waxaan aadi lahaa Carabta ama meel kale, halkaas ayaan lacag badan ka heli lahaa”.
“Runtu waxay tahay in go’aankeyga kama dambaysta ahi uu ahaa in aado meesha aan doonayo laakiin lacag darteed uma aadi”.
“Waxa aan taageerayay Barcelona sanadka Wax badan ayaan la hadlay Xavi sheeko ayaan is waydaarsanay”.
“Runtii waxaan doonayay inaan ku laabto Barça, waan ku riyooday, laakiin wixii dhacay labo sano ka hor, ma aanan dooneynin inaan mar kale ku jiro xaalad la mid ah, in aan mustaqbalayga in aan qof kale kaga tago”.
“Waxaan rabay inaan qaato go’aan ii gaar ah, anigoo ka fikiraya aniga iyo qoyskayga”.
“Waxaan maqlay warar sheegaya in La Liga ay ogolaansho siiyeen Barcelona laakiin xaqiiqada ayaa ah in ay wax badan ay maqan yihiin si aan ugu laabto Barcelona”

Related



Source link