Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Dortmund aya si Rasmi ah ugu biiray koxda Real Madrid isaga oo noqday xiddiga reer England ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.
Xiddiga Jude Bellingham ayaa Real Madrid ugu biiray lacag dhan 115 milyan oo euro kadib markii uu ku biiray kooxda Real Madrid.
Jude Bellingham ayaa jabiyay rikoodhka oo uu horay u dhigay xiddiga kooxda Man City ee Jack Grealish kaas oo lacag rikoodh ah ugu biiray Man City.
Grealish ayaa Man City ugu biiray lacag dhan 100 milyan oo euro sanadkii 2021 isaga oo kaga biiray kooxda Aston Villa.
Xiddiga daafaca uga ciyaara Man United ee Harry Maguire ayaa ka mid ah xiddigaha reer England ee ugu qaalisan isaga oo 80 milyan ugu biiray Red Devils.
Sidoo kale xiddiga Man United ee Jadon Sancho ayaa ku biiray United sanadkii 2021 waxana uu ugu biiray lacag dhan 73 milyan oo euro.
Related