Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay gool dhalinta yurub kadib dhamaadkii horyaalada waaweyn ee xilli ciyaareedkan.
Kadib markii uu xiddiga Robert Lewandowski ku guulaystay gool dhalinta 2-dii sano ee ugu dambaysay xiddiga Erling Haaland ayaa abaalmarinta kabta dahabka ee gool dhalinta ku guulaystay xilli ciyaareedkan.
Haaland ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday ee premier League isaga oo dhaliyay 36 gool kadib dhamaadka xilli ciyaareed xiiso lahaa.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 30 gool horyaalka premier League waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay 29 gool.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Lyon ee Alexandre Lacazette kaas oo dhaliyay 27 gool halka uu ku xigo kooxda Napoli ee Victor Osimhen kaas oo dhaliyay 26 gool.
Xiddiga kooxda Lille ee Jonathan David ayaa dhaliyay 24 gool halka xiddiga ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkii hore ee Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 23 gool kadib markii uu ku biiray Barcelona.
Hadaba Halkan Kaga xiddiga ku guulaystay kabta dahabka ah, xiddigaha ugu goolasha badan iyo dhibcihii ay heleen:
Xiddigaha
Goolasha
dhibcood
Erling Haaland (Man City)
36
72
Harry Kane (Tottenham)
30
60
Kylian Mbappe (PSG)
29
58
Alexandre Lacazette (Lyon)
27
54
Victor Osimhen (Napoli)
26
52
Jonathan David (Lille)
24
48
Robert Lewandowski (Barcelona)
23
46
Enner Valencia (Fenerbahce)
29
43.5
Lautaro Martinez (Inter)
21
42
Folarin Balogun (Reims)
21
42
Lois Openda (Lens)
21
42
Ivan Toney (Brentford)
20
40
Habib Diallo (Strasbourg)
20
40
Karim Benzema (Real Madrid)
19
38
Mohamed Salah (Liverpool)
19
38
Wissam Ben Yedder (Monaco)
19
38
Sepe Elye Wahi (Montpellier)
19
38
Callum Wilson (Newcastle)
18
36
Terem Moffi (Nice)
18
36

Related



Source link