Real Madrid ayaa soo qaban qaabisay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Karim Benzema kaas oo ka tagay kooxda kadib 14 sano oo uu xirnaa maaliyada cadaanka ah.
Ka dib hadal ka yimid Florentino Perez Benzema ayaa markiisa hadlay.
“Salaan qof walba, way adagtahay in la hadlo hadda, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof walba, waad ku mahadsantahay Presi inaad halkaan i keentay, waligey ma ilaawi doono, Real Madrid waa tan ugu weyn, laakiin hadda waa waqtigii aan bixi lahaa”.
“Tani waa maalin murugo leh, waan ka tagayaa kooxdeyda… mar walba waxaan doonayay inaan halkan kaga fadhiisto ciyaaraha laakiin noloshu ma noqoto sida loo qorsheeyay”.
mar walba waxaan daawan doonaa ciyaaraha Real Madrid, waxaanan taageeri doonaa kooxda, waxaan ahay qofka aan ahay sababtoo ah kooxdaan, mahadsanid”.
“Real Madrid mar walba waxay ahaan doontaa qoyskeyga, aad ayaan ugu mahadcelinayaa madaxweynaha, waxaan awooday inaan rumeeyo riyadeyda, weligey ma ilaawi doono Real Madrid sababtoo ah waa kooxda ugu fiican adduunka iyo taariikhda”.
“Sida aan idhi maalinta koowaad, 1, 2, 3…Hala Madrid!”ayuu sii raaciyay.
Related