Kooxda PSG ayaa chelsea ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte iyada oo Kooxda reer France haatan dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Chelsea ayaa qarka u saarnayd saxiixa xiddiga inkasta oo ay wax ka badna 600 milyan suuqa galiyeen intii uu Todd Boely ahaa milkiilaha kooxda.
Mid ka mid ah boosaska ay kooxdu doonaysay in ay iska xoojiso ayaa ahaa khadka dhexe maadama xiddiga Enzo Fernandes yahay xiddiga kaliya ee mustaqbalka fog ku leh kooxda.
Ugarte ayay u calaamadsatay bartilmaameedka 1-aad waxana ay xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin PSG ayaa bixisay lacagtii ay chelsea bixisay oo ahayd 60 milyan oo euro.
Taas ayaan ahayn sababta kaliya ay kooxda PSG saxiixa xiddiga ugu garaacday kooxda chelsea.
Chelsea ayaa doonaysay in ay iibsato saami ka mid ah kooxda Sporting Lisbon si ay ugu fududaato in ay hesho saxiixa xiddiga laakiin kooxda Sporting Lisbon ayaa ka wal-waltay in ay arintaas keeni karto ganaax uga yimaada UEFA.
Sidoo kale kooxda PSG ayaa diyaar u ahayd in ay bixiso lacag ka badan inta ay chelsea diyaar-ka la tahay dhinaca mushaharka xiddiga oo dhan 10 milyan halka ay chelsea diyaar la ahayd kaliya 5 milyan oo euro.
Related