Inkasta oo aan si Rasmi ah loo furin suuqa xagaaga hadana kooxaha kala duwan ayaa durba bilaabay in ay xoojiyaan isla markaas sameeyaan saxiixyo cusub.
Sidoo kale waxa jira xiddigo badan oo xor ah kuwaas oo ka tagi doona kooxohoooda kuwaas oo maalaha ama saacadaha soo socda ku biiri kara kooco cusub.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada dhici karaha maalmaha ama todobaadyada soo socda.
Benzema -> Ittihad:
Xiddiga reer France ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday heshiis 2 sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda ka ciyaarta sucuudiga.
Karim Benzema ayaa haatanba la xaqijiyay in uu ka tagi doono Real Madrid waxana dhiman kaliya in lagu dhawaaqo heshiiska uu Benzema ugu biirayo kooxda ka ciyaarta sucuudiga.
Lionel Messi?
Messi ayaa dhinaciisa la xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda PSG kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka kooxa reer France.
Lionel Messi ayaa lala xidhiidhinyaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin Barcelona halka sidoo kale uu xiiso ka helayo kooxaha sucuudiga ka ciyaara.
Ilaa haatan ma kala cada kooxda uu Messi ku biiri doono laakiin waxa la hubaa in uu maalmaha iyo todobaadyada soo socda koox cusub ku biiri doono.
Jude Bellingham -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa shaqo fiican ka qabatay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo la filayo in ay dhamaystirto saxiixiisa.
Los Blancos ayaa doonaysa in ay saxiixa Jude Bellingham ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga iyada oo haatan ku jirta wadahadaladii ugu dambeeyay.
Real Madrid ayaa la filayaa in ay 150 milyan oo euro ka bixiso xiddiga reer England kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe ee kooxdeeda.
Mateo Kovacic -> Man City:
Kooxda Man City ayaa wadahadalo dar-dar leh kula jirta kooxda chelsea iyaga oo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdeeda.
Guardiola ayaa taageero weyn u ah xiddiga reer Croatia waxana uu doonayaa in uu ku dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Mateo Kovacic ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man City, chelsea ayaana diyaar u ah in ay xiddiga ka iibiso City hadii ay bixiyaan lacag dhan 35 milyan oo euro taas oo ah lacag aan dhib ku ahayn Man City.
Related