Carlos Rexach oo ah halyeyga kooxda Barcelona ayaa fariintii uu u diray Lionel Messi kaga naxsaday jamaahiirta kooxda, wuxuuna ugu baaqay in aanu ku soo laaban garoonka Camp Nou, wuxuuna sidoo kale ku booriyay in uu aqbalo dalabka soo jiidashada leh ee uu ka helay kooxda Al Hilal Saudi Arabia.
Mustaqbalka Messi ayuu wali shaki ku jiraa iyada oo uu xaqiijiyay bixitaankiisa kooxda PSG ilaa haatana ma kala cada kooxda uu u ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.
Carlos Rexach ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah halyeeyadii Barca, maadaama uu kooxda u soo ciyaaray lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii, waxaana uu kooxda la joogay 17 xilli ciyaareed, sidoo kale wuxuu caawiye u ahaa Johan Cruyff markii uu tababaraha u ahaa kooxda.
Carlos Rexach ayaa kula taliyay xiddiga reer Argentina inuusan ku laaban Barcelona, sababtoo ah arrintu waa mid halis ah, waxaana laga yaabaa inuu lumiyo qiimaha weyn ee uu ku leeyahay kooxda haddii uu ku guuleysan waayo inuu soo bandhigo qaab ciyaareedka laga filayo.
“Hadii aan Messi ahaan lahaa hadda kuma soo laabteen Barcelona” ayuu xiddigii hore ee Spain ku yiri maqaal lagu daabacay wargeyska Catalan ee Mundo Deportivo.
Waxa uu intaa ku daray, “Laakiin haddii aan si caqli gal ah u falanqeyno oo aan si macquul ah u eegno, waxaad halis u gelineysaa waxyaabo badan, waxaad halis u tahay in bilowga taageerayaasha mar walba kuu sacbiya ay dhici karto inay maalin kugu foodhyaan, sababtoo ah kubbadda cagta xasuus ma leh”.
Related