Xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool si uu dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool.
Liverpool ayaa saacadihii la soo dhaafay kooxda Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay ka dhigayso saxiixooda ugu horeeya ee xagaaga.
Saxafiga Fabrizo Romano ayaa haatan sheegaya in uu Alexis Mac Allister haatan tijaabada caafimaadka u marayo kooxda Liverpool si uu dhamaystiro heshiiska.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa kadib qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield.
Alexis Mac Allister ayaa doonaya in uu dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool ka hor inta uuna u safrin dalkiisa Argentina si uu ugala qayb galo waajibaadka xulkiisa.
Liverpool ayaa la filayaa in ay maalinta Arbacada ama khamiista si Rasmi ah u soo bandhigto saxiixa xiddiga marka uu saacadaha soo socda ku baaso tijaabada caafimaadka.

Related



Source link