Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa saacadihii la soo dhaafay si Rasmi ah ula heshiisay kooxda Brighton iyada oo bixinaysa lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga khadka dhexe.
Sidoo kale Liverpool ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga iyada oo wax walba ka dhamaystirtay heshiiska ay ku doonayso xiddiga.
Haatan Liverpool ayaa doonaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga kana dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagagaa.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in ay Liveprool diyaarinayso tijaabada caafimaadka xiddiga ka hor inta ayna si Rasmi ah u soo bandhigin.
Romano ayaa sheegay in uu xiddiga Alexis Mac Allister tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Liverpool Maalinta Salaasada ama Arabacada soo socda.

Related



Source link