Xiddiga diirada u saaran kooxda Manchester United ee Jurrien Timber ayaa lagu arkay garoonka Wembley isaga oo daawanayay kulankii Final-ka FA Cup-ka ee u dhexeeyay kooxaha Man United iyo Man City.
Ka dib markii uu ka yimid Ajax bishii May ee la soo dhaafay, Ten Hag ayaa isku dayay in uu xiddiga ay isku dalka yihiin keeno Old Trafford si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xagaagii hore.
21-sano jirkaan ayaa ugu dambeyntii doortay inuu sii joogo Ajax xilli ciyaareed kale laakiin waxa uu wali bartilmaameed u yahay kooxaha Man United iyo Liverpool.
Iyada oo horyaalka Netherlands dhamaaday, Timber ayaa ymid London Si uu u daawado kulanka Final-ka FA Cup-ka ee ka dhacay garoonka Wembley.
Ajax ayaa diiday dhowr dalab oo ay Man United ku doonaysay Timber iyada oo United ugu dambayntii u dhaqaaqday saxiixa xiddiga ay saaxiibka ahaayeen Timber ee Lisandro Martinez.

Related



Source link