Waxa jiray xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan laakiin ayaa ku soo baxay shaxda ugu fiican?
Horyaalada qaarada yurub ayaa si Rasmi ah u xidhmi doona tdobaadkan iyada oo kaliya final-ka Champions League & Europa Conference League dhimanaan doonaan.
Waxa la soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah iyad aoo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed wareer ah oo aad u fiican.
Xiddigaha Haaland iyo Jude Bellingham ayaa ah xiddigo si gaar ah loo tilmaami karo halka Goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Shabakada Goal ayaa soo saartay shaxdooda ugu fiican ee 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxda Barcelona shaxda ku leedahay 2 xiddig.
Kooxaha PSG, Real Madrid, Dortmund, Newcastle iyo Napoli ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Related