Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah wadahadalo ula bilowday kooxda chelsea si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount sida ay sheegayaan wararku.
Sida laga soo xigtay wargayska The Times, Man United ayaa bilowday wadahadalo ay ku doonayso in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Mason Mount Ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda chelsea suuqa xagaagan si uu u ciyaaro tartan cusub oo aan ahayn kooxda chelsea ee uu joogay ilaa yaraantiisii.
Xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United si uu ugu biiro Old Ttafford inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Man United ayaa doonaysa in ay Mason Mount ku xoojiso khadka dhexe waxana ay doonaysaa in ay ka dhigto saxiixooda ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Man United ayaa saxiixa Mason Mount ku garaacaysa kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo sidoo kale xiiso u qabay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Related



Source link