Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Man City kulan ka dhici doona garoonka Wembley waxana ay kulanka soo gali doonaan iyaga oo aan ugu cad-cadayn Ku guulaysiga koobka.
Laakiin Man United ayaa haysata hub ay ku garaaci karto kooxda Man City kuna dili karto jarada City ee ku guulaysiga saddex koob.
Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa waxyaabaha ay Man United samayn karto si ay u garaacdo Man City:
1.Joojinta Haaland:
City ayaa u awood sheegatay koox kasta oo ay ka hor yimaadeen xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan waxana ay uga mahad celinayaan xiddiga Haaland kaas oo muujiyay in uu yahay xiddig heer caalami ah.
Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 52 gool 51 kulan oo uu ciyaaray waxana uu dhaliyay 6 saddexley xlli ciyaareedkan waxana uu saddexley ka dhaliyay Man United xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed Hadii ay Man United wax rajo ah ka doonayso kulanka waa in ay si fiican u joojiso xiddiga lama joojiyaha ah ee Erling Haaland taas oo dhibaato ku noqon karta Man City.
2.In Shaxda Lagu Bilaabo Sancho:
Sancho ayaa dib u helay qaab ciyaareedkii fiicnaa waxana uu dhaliyay 4 gool oo xidhiidh ah kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guulo kulamo muhiim ah.
Xiddiga ayaa saamayn weyn ku yeelan kara kulanka marka la eego in uu dib u helay qaab ciyaareedkii fiicnaa waxana uu marar badan goolal ka dhaliyay City mar uu ka hor tagay.
3.In Uu Ten Hag Raaco Tallaadii Wayne Rooney:
Ninka si fiican u garanaya waxa aad u baahantahay in aad garaacdo Man City ayaa ah Wayne Rooney maadama uu 11 gool ka dhaliyay kooxda City intii uu ciyaarayay kubada cagta.
Rooney oo haatan tababare u ah kooxda DC United ee dalka Maraykanka ayaa tabbare Ten Hag siiyay tallo uu ku garaaci karo Man City kulanka.
United waxa ay ku riyaaqday guulo waaweyn oo ay ka gaadheen Man United wakhtigii Alex Ferguson, laakiin Rooney waxa uu dareemaya in Ten Hag ay tahay in uu raaco qaabkii uu tababarihii hore ee Chelsea jose Mourinho”Qorshahaygu waxa uu noqon lahaa in aan sameeyo wax ka duwan waxa ay Man City samayso”.
“Waxa aan samayn lahaa wixii uu Jose Mourinho samayn jiray markii ugu horaysay ee uu chelsea yimid oo ahayd in uu xiddigaha Joe Cole, Arjen Robben & Damien Duff u sheego in ayna difaaca ku soo laaban marka ay City kubada haysato si ay weerar rogaal celis ah u qaadaan marka ay Chelsea kubada hesho”.
“Shaxdaas mar walba way adagtahay in lala ciyaaro sidaas Darteed United waa in ay sidaas samayso oo ay u adeegsato Marcus Rashford iyo Anthony Martial halka ay 8 xiddig ee kale difaacanayaan halka ay laabdaas xiddig sugayaan weerar rogaal celis ah”.
4.In Uu Ten Hag Halis Galiyo Antony:
Kulankii ugu dambeeyay ee ay United la ciyaartay City ayaa noqon lahaa mid ka duwan sida uu u dhacay hadii uuna joogi lahayd Antony.
Xiddiga reer Brazil ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kulanka markii uu badalay xiddiga Martial qaybtii nasashada waxana uu dhib ku noqday kooxda Pep Guardiola.
Antony ayaa haatan dhaawac ah waxana uu shaki ku jiraa ciyaaristiisa laakiin Ten Hag waa in uu ku khamaaro ciyaarista xiddiga maadama ay man United tahay kooxda fiican marka uu xiddiga reer Brazil ciyaarayo.
5.In uu qaybta dambe badal ku soo galiyo Garnacho:
Xiddiga 18 jirka ah ee reer Argentine ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Old Trafford xilli ciyaareedkan.
Inkasta oo uu kaliya 11 kulan ku bilowday hadana Garnacho ayaa dhaliyay 6 gool waxana ka mid ah goolkii ka hor koobkii adduunka uu daqiiqadihii ugu dambeeyay ka dhaliyay.
Hadii uu Garnacho soo galo qaybta dambe waxa uu heli doonaa daafacyada Man City oo daalan waxana ay taasi ka caawinaysaa in uu dhibaato weyn ku keeno daafaca kooxda Man City.

Related



Source link