Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kabtanka Manchester City Ilkay Gundogan ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Barcelona marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan, iyadoo kooxda La Liga ka dhisan ay la dhacsan tahay ciyaaryahanka khadka dhexe una soo bandhigay heshiis 3 sano ah (Sport).
Chelsea ayaa ku dalban doonta lacag ku dhow 35 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga khadka dhexe ee Croatia Mateo Kovacic, 29, kaasoo u muuqda inuu ku sii dhowaanayo u dhaqaaqista Manchester City (90min).
Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham iyo xulka England Declan Rice, oo 24 jir ah. (FootballTransfers).
Laakiin Bayern Munich ayaan wali ka rajo dhigin in ay Rice kala soo wareegto Hammers kadib kulan wanaagsan oo ay kula yeesheen London, iyadoo kooxda heysata horyaalka Jarmalka ay diyaarineyso dalab rasmi ah. (Sky Sport Germany)
Bayern iyo Manchester United ayaa weli xiiseynaya weeraryahanka Serbia Dusan Vlahovic, 23, kaasoo u furan inuu u dhaqaaqo xagaagan haddii Massimiliano Allegri uu sii ahaado tababaraha Juventus sababtoo ah xiriirkooda oo liita (Nicolo Schira).
Liverpool ayaa ogolaatay inay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiska xiddiga Alexis Mac Allister oo dhan 55 milyan oo euro iyada oo qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe (Football Insider).
Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Moises Caicedo iyo Manuel Ugarte suuqa Xagaaga (Guardian).
Kooxda Barcelona ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonaan saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi (90min).
Xiddiga Karim Benzema ayaa dhamaysan doona hal sano ee uga dhiman heshiiskiisa Real Madrid inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxaha sucuudiga (Marca).
Kooxaha ka ciyaara horyaalka Sucuudiga Ayaa haatanba dalab Rasmi ah ka gudbiyay daafaca dhexe ee Sergio Ramos (Fabrizio Romano).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea N’Golo Kante ayaa dalab waali ah ka helay koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga (90min).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Kai Havertz (Mundo Deportivo).
Kooxaha Inter iyo Benfica ayaa doonaya saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jordi Alba (Marca).
Harry Kane ayaa doorbidaya inuu ku biiro Real Madrid halkii uu ku biiri lahaa Man United ama Bayern Munich suuqa xagaaga (Relevo).
Real Madrid ayaa haatan ka dhigtay saxiixa Kane in uu yahay muhiimadooda 1-aad ee suuqa xagaaga (AS).
Manchester United ayaa ogolaatay inay bixiso 60 milyan oo euro si ay Kim Min-jae ugala soo wareegto Napoli marka uu furmo suuqan xagaaga. (Il Mattino)
Aabaha dhalay xiddiga Alexis Mac Allister ayaa ku sugan England si uu u dhamaystiro heshiiska uu wiilkiisu ugu biirayo Liverpool (Fabrizio Romano).
Real Madrid ayaa la filayaa inay xaqiijiso heshiiska Jude Bellingham oo kaga soo biirayo Borussia Dortmund toddobaadka soo socda. (Fabrizio Romano).
Barcelona ayaa laga yaabaa in ay mar kale u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Joao Felix (Sport).
Related