Arsenal ayaa ka danbeysa Manchester United tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount, maadaama ay mudnaanta siinayaan u dhaqaaqista Declan Rice, sida ay wararku sheegayaan.
United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaartay Mount todobaadkan laakiin wali uma dhawa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga maadama ayna chelsea wax wadahadalo ah la furin.
Xiddiga Mount ayaa lala xidhiidhanayaa kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man United laakiin kooxda Man United ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga reer England.
Wargayska ESPN ayaa sheegaya sababta ay Arsenal ugu hadhay baacsiga xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount ay tahay in ay muhiimada siinayso saxiixa xiddiga Decland Rice.
Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Rice taas oo keenaysa in ay tartanka Mount kaga dambayso kooxda Man United.

Related



Source link