Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham Declan Rice sida laga soo xigtay wargayska FootballTransfers.
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee 24 jirka ah.
Gunners ayaa si joogto ah uga shaqaynaysay saxiixa xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay waxana ay wadahadalo la furtay kooxda West Ham 13 bishii May ee la soo dhaafay.
Haatan Arsenal ayaa Tallaabo kale u qaaday saxiixa xiddiga iyaga oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda isla markaas dootay in uu ku biiro Gunners.
Inkasta oo heshiiska shaqsiga ah wax dhibaato ah ahayn haatan hadana kooxda Mikel Arteta ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin kooxda West Ham.
Kooxda West Ham ayaa la sheegayaa in ay dalban doonto lacag dhan 100 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga khadka dhexe suuqa xagaagan.
Related