Xiddiga Brighton Alexis Mac Allister ayaa ku adkeysanaya inuu is dejiyo iyadoo la isla dhexmarayo inuu qarka u saaran yahay inuu dhameystiro ku biiristiisa Liverpool todobaadkan.
Xiddiga Argentina kula guulaystay koobka adduunka ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican khadka dhexe premeir League 4-tii sano ee la soo dhaafay.
Kadib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray u soo bixista Brighton ee Europa League xiddiga ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda.
Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kadib markii ay wax walba dhamaystirtay iyada oo kaliya haatan dhimantahay in lagu dhawaaqo heshiiska.
“Aad ayaan u deganahay sababtoo ah waxaan sidoo kale fursad u haystaa inaan joogo koox sida Brighton oo aan wakhti fiican la soo qaatay”ayuu yidhi Mac Allister.
“Hadii aanan ka tagin kooxda waan sii joogi doonaa waanan ku faraxsanahay laakiin waxa jirta suurtagalnimada aan ku bixi karo hadii uu dalab fiican u yimaado kooxda”.
“Shaki iigama jiro in (Premier League) uu yahay horyaalka ugu fiican waanan sababta ay kooxdayda xigta u noqon doonto koox premier League”.
Related