Lionel Messi ayaa ka tagi doona Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka bishaan waxana horyaala go’aan weyn oo mustaqbalkiisa ah.
Tababaraha PSG Christophe Galtier ayaa xaqiijiyay Khamiista in Messi uusan saxiixi doonin heshiis cusub sidaas darteedna uu noqon doonaa xiddig xor ah kadib 30 bishan haatan lagu jiro.
Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxohooda xilli ciyaareedka dambe.
Messi ayaa dhaliyay 21 gool halka uu caawiye ka noqday 20 kale 40 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka Ligue 1.
Inkasta oo uu 36 jirsaday June 24 Messi ayaa wali haysta waxyaabo badan oo uu ku soo bandhigi karo ciyaarta.
Wargayska Mirror ayaa soo bandhigay 4 meel oo uu Lionel Messi ku biiri karo xagaaga.
Al-Hilal
Kani waa dookha ugu soo jiidashada badan wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo wargayska Mirror sheegay in aabaha Messi ee Jorge uu aqabalay heshiis uu ku qaadan doono 1.2 bilyan euro heshiis 2 sano ah si uu wiilkiisu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Hilal.
Messi ayaa haatanba ah safiirka dalxiiska ee Sacuudiga waxana ay tani dabka ku sii shidaydaa wararka Messi la xidhiidhinaya horyaalka sucuudiga.
Barcelona:
Messi ayaa ku sugnaa Barcelona Axadii si uu u daawado Coldplay isaga iyo Cesc Fabregas halkii uu ka qayb gali lahaa abaal marinta dhamaadka xiliciyaareed ka Ligue 1.
Taasi waxay kicisay xamaasad korodhay oo ah inuu isha ku hayo inuu ku laabto kooxdii uu ka tagay 2021.
Tababaraha Barcelona iyo madaxda Barcelona ayaa xaqiijiyay in ay doonayaan Messi in uu ku laabto kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.
Weeraryahankan ayaa ku lug lahaa 672 gool 778 kulan oo uu u ciyaaray Barcelona waxana uu kula guulaystay 35 koob intii uu joogay kooxda.
Inter Miami:
Kooxda reer America oo uu leeyahay David Beckham ayaa sidoo kale xiiso muddo dheer ah u qabta saxiixa Messi.
Wargayska The Times ayaa sheegay in ay kooxda reer America ku kalsoontahay in ay helaan xiddiga kana dhigaan xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka dalkaas.
Messi ayaa la fahamsanyahay in uu taageere u yahay kooxda Inter Miami waxana ay xitaa qoyskiisu jecelyihiin in ay ku noolaadaan halkaas.
Newell’s Old Boys:
Kooxda reer Argentina ayaa ah halkii uu Messi ka bilaabay xirfadiisa ciyaareed waxana uu horay u sheegay in uu maalin ku laaban doono halkaas.
Dookhan ayaan haatan suurtagal ahayn marka la eego dalabyada kale ee uu xiddigu haysto Laakiin meesha lagama saari karo ku laabashada gurigiisii hore.

Related



Source link