Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Mason Mount (Telegraph).
Man United ayaa sidoo kale haata isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount (Sky Sport).
Kooxda Man United ayaa dhinaca kale diyaar u ah in ay Harry Maguire jeebka ugu shubto lacag dhan 10 milyan oo euro si uu kooxda uga tago (Mail).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay 48 ilaa 72 saac ee soo socota ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister (Fabrizio Romano).
Kooxda Real Madrid ayaa la yaabtay ogolaanshaha uu Benzema ogolaaday in uu ku biiro koox sucuudiga ah waxana ay haatan badalayaan qorshohooda suqua (Times).
Karim Benzema ayaa ka tagi doona Real Madrid xagaagan kuna biiraya kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad, isagoo heshiis buuxa la gaaray kooxda (AS)
Kooxda Real Madrid ayaa Harry Kane u aragta badalka Karim Benzema kaas oo ka tagaya kooxda xagaaga (Times).
Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara ee  Kalidou Koulibaly (Evening Standard).
Kooxda chelsea ayaa sidoo kale Man City u ogolaatay in ay wadahadalo la qaadato xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic (Mail).
Xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee William Saliba ayaa laga yaabaa in uu xagaaga ku biiro kooxda PSG (Sun).
Kooxda Barcelona ayaan wali wax dalab ah ka gudbin saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi (BBC Sport).
Lionel Messi ayaa u sheegay Barcelona inay heystaan hal todobaad si ay u dhamaystiraan ku laabashadiisa Barcelona (Relevo).
Neymar ayaa u sheegay PSG inuu doonayo kaliya inuu ku biiro Man Utd xagaagan (Sun).

Related



Source link