Kooxda chelsea ayaa Brighton ka diiday dalan ay ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Levi Colwill.
Brighton ayaa dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Levi Colwill oo amaah kula joogay kooxda xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Levi Colwill ayaa amaah kula joogay Brighton waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo tartanka Europa league xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda chelsea ayaa xiddiga daafaca ka ciyaara u aragta mid mustaqbal ku leh kooxda waxana ay ka diiday Brighton dalabka ay ku doonaysay saxiixiisa.
Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu ka qayb ahaado qorshaha kooxda chelsea ee xilli ciyaareedka dambe

Related



Source link