Xiddigii hore ee Premier League Darren Bent ayaa Arsenal u sheegay in Romelu Lukaku ka fiicanyahay xiddiga Gabriel Jesus.
Inkasta oo uu dhaawac ku maqnaa xiddiga Gabriel Jesus ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal waxana uu ka caawiyay in ay u tartamaan horyaalka.
Darren Bent ayaa Arteta u sheegay in uu xagaaga la soo saxiixdo xiddiga Romelu Lukaku oo haatan gaadhay final-ka champions League una ciyaaraya Inter Milan oo uu amaah uga maqan yahay.
Bent ayaa la waydiiyay hadii uu la soo saxiixan lahaa Lukaku hadii uu yahay Arteta waxana uu yidhi”Haa, shaki la’aan, anigu ma lihi Arsenal ha iska iibiso Jesus laakiin waxa aan sidoo kale ka garab ciyaarsiin lahaa Lukaku”.
“Waxa uu Arsenal u dhalinayaa goolal ka badan kuwa Gabriel Jesus dhaliyay, wixii uu Jesus ka qabtay Arsenal xilli ciyaareedkan waxa ay ahayd wax fiican laakiin marar qaar wuu ku niyad jabinayaa mana joogayo goolka hortiisa si uu u dhaliyo goolal laakiin mar walba Lukaku goolka hortiisa ayuu joogaa”.
Related