Manchester United Anthony Martial ayaa laga saaray ciyaarta finalka FA Cup ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.
Martial ayaa dhaawac ka soo gaaray muruqa wakhti dambe oo kulankii ay Man United 2/1 kaga badisay Fulham kulankii ugu dambeeyay ee premier League.
Website-ka rasmiga ah ee kooxda ayaa tan iyo markaas ku dhawaaqay in xiddiga reer France uusan wax qeyb ah ka ciyaari doonin bandhigga isbuucaan.
Waxay la micno tahay niyad jab kale oo 27 jirkan ah maadama uu haatanba kulamo badan ka maqnaa kooxda Man United xilli ciyaareedkan.
Tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca muruqa, Martial ayaa ku soo bilowday kaliya sideed jeer halka uu 7 kulan oo kale badal ku soo galay.
Martial ayaa dhaawac looga saaray kulankii Fulham daqiiqadii 67-aad kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadha.
Related