Xiddigaha Lionel Messi, Karim Benzema iyo xiddigo kale oo ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxohooda waxana lagu heli karaa qaab xor ah.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha qaabka lacag la’aanta ah lagu heli karo suuqa kala iibsiga xaagaaga.
1.Lionel Messi (PSG):
Xiddiga Lionel Messi ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda PSG iyada oo heshiiskiisa kooxda reer France dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo kala duwan oo reer yurub ah.
2.Karim Benzema (Real Madrid):
Xiddiga Karim Benzema ayaa la filayay in uu saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah laakiin Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France isaga tagi karo kooxda.
Benzema ayaa dalab waali ah ka helay koox ka ciyaarta horyaalka sucuduuiga waxana uu xiddigu ka fiirsanayaa in uu aqbalo dalabkaas saacadaha soo socda.
3.N’Golo Kante (Chelsea).
Heshiiska Kante ee haatan chelsea ayaa dhici doona xagaagan kadib markii uu sanadkii 2016 kaga soo biiray Liecester City waxana uu xiddigu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay heshiiskiisa.
Chelsea ayaa doonaysa in ay sii haysata xiddiga waxana ay doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin waxa ay u badantahay in uu isaga tagi doono kooxda.
4.Sergio Busquets (Barcelon).
15-kii sano ee kooxda Barcelona ee xiddiga Sergio Busquets ayaa soo dhamaanaysa iyada oo uu xiddigu ku jiro todobaadyadii ugu dambeeyay waxana la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda.
Busquets ayaa haatan xiiso xoogan ka helaya kooxaha sucuudiga iyo horyaalka Maraykanka.
5.Ilkay Gundogan (Man City):
Ilkay Gundogan ayaa Manchester City kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund sanadkii 2016, wuxuuna ilaa hadda wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League.
Qandaraaska uu haatan kula jiro Man City ayaa dhici doona xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.
6.Toni Kroos (Real Madrid):
Toni Kroos waxa uu ahaa xiddig ka tirsan khadka dhexe ee Real Madrid tan iyo markii uu kooxda La Liga kaga soo biiray Bayern Munich.
33-sano jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu hal sano oo dheeri ah u kordhiyo Los Blancos, waxaana laga yaabaa in dhawaan lagu dhawaaqo heshiiska.
7.Luka Modric (Real Madrid):
Qandaraaska Luka Modric ee Real Madrid ayaa lagu waday inuu dhaco 2022 laakiin xiddiga khadka dhexe ee Croatia ayaa saxiixay qandaraas hal sano ah bishii June.
Wararka ayaa sheegaya in ay Real mar kale isku dayi doonto in ay xiddiga ku sii hayso kooxda ilaa xagaaga 2024.
8.Youri Tielemans (Leicester City)
9.Roberto Firmino (Liverpool)
10.Naby Keita (Liverpool)
11.Zlatan Ibrahimovic (Ac Milan)
12.Milan Skriniar (Inter)
13.Evan Ndicka (Eintracht Frankfurt)
14.Marcus Thuram (Borussia Monchengladbach)
15.Adama Traore (Wolves))
16.Daichi Kamada (Eintracht Frankfurt)
17.Adrien Rabiot (Juventus)
18.Konrad Laimer (RB Leipzig).
Related