Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Real Madrid Ee Karim Benzema ayaa ka fiirsanaya in uu ku biiro kooxda Al-Itihad kadib dalab ku kacaya 400 milayn oo uu helay (ESPN).
Kooxda Arsenal ayaan wax xiiso ah u qabin in ay iska fasaxdo xiddiga Emile Smith Rowe (Athletic).
Kooxaha Tottenham, Newcastle ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee James Maddison iyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Harvey Barnes (Sun).
Kooxda Chelsea ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo (Fabrizio Romano).
Kooxda Arsenal ayaa dalab aad u sareeya ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Real Valladolid ee Ivan Fresneda (Bild).
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay daafaca kooxda Bayern Munich ee Benjamin Pavard (Fabrizio Romano).
Sidoo kale Liverpool ayaa wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach Manu Kone (Bild).
Kooxda Juventus ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Christian Pulisic (Mail).
Goolhayaha Kooxda Fc Porto ee Diogo Costa ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Man United (Mirror).
Tababaraha Barcelona ee Xavi ayaa xaqiijiyay in ay Man City kooxdiisa ka diiday in ay la saxiixato xiddiga Joao Cancelo suuqii January (90min).
Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta kooxda Nice oo ay ka doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Khephren Thuram (90min).
Kooxda Barcelona ayaa la shaqaynaysa kooxda Inter Miami si ay u helaan saxiixa xiddiga Lionel Messi iyada oo labada kooxood kala qaybsan karaan ciyaarista xiddiga (L’Equipe).
Si kasta ha ahaatee Messi ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta sucuudiga (Foot Mercato).
Kooxda Man United ayaa chelsea iy PSG kula biirtay tartanka saxiixa xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Manuel Ugarte (A Bola).
Related