Xiddiga Lionel Messu ayaa diyaar u ah inuu si bilaash ah ugu ciyaaro Barcelona laakiin waxaa hor istaagaya sharciga LaLiga sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga reer Argentine, oo 35 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha June.
Kooxo dhowr ah ayaa xiiseynaya saxiixiisa, kuwaasoo kala ah Inter Miami, Barcelona iyo kooxo ka tirsan horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay CBS Sports, Messi ayaa diyaar u ah in uu qaab bilaa lacag ah ugu ciyaaro kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe si uu ugu laabto Camp Nou.
Si kasta ha ahaatee waxa jira sharci La Liga u yaala oo ka hor istaagaya in uu heshiisku si Rasmi ah u dhamaystirmo.
Wargayska ayaa sheegaya in uu Messi diyaar u yahay in uu lacag la’aan ugu ciyaaro ama uu si weyn mushaharkiisa u dhimo laakiin taas ayaa noqon karta is daba marin lacageed.

Related



Source link