Xiddiga Karim Benzema ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Al-Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga xilli heshiiskiisa Los Blancos dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Al-Ittihad ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga iyaga oo u soo bandhigay heshiis 2 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 100 milyan oo euro.
Taageerayaasha kooxda Al-Ittihad ayaa heer kale u qaaday soo dhawaynta Karim Benzema iyaga oo soo qaatay sawirka Benzema kulankii ay la ciyaareen koxda Al-Ta’ee.
Kulanka ayaa ka tirsanaa horyaalka sucuudiga waxana ay kooxda Al-Ittihad u dabaal-dagaysay ku guulaysiga horyaalka sucuudiga xilli ciyaareedkan.
Taageerayaasha kooxda Al-Ittihad ayaa soo qaatay sawir xiddiga Karim Benzema oo xidhan maaliyada kooxda Al-Ittihad ee ka kooban midabadka madawga iyo huruuda ah ah.

بنزيما يحضر في المدرجات الاتحادية
⁧#الاتحاد_الطائي⁩ | ⁦#SSC pic.twitter.com/o350yrztQJ
— شركة الرياضة السعودية SSC (@ssc_sports) May 31, 2023

Related





Source link