Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe ka hor xilli ciyaareedka soo socda.
Kadib markii uu dhaliyay 10 gool 2 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii 2021/2022 xiddiga ayaan kulamo badan u ciyaarin kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Xiddiga reer England ayaa inta badan xilli ciyaareedkii dhamaaday ku qaatay qolka daawaynta iyada oo dhaawacyo daba dhigteen.
Xiddiga ayaa kooxda u ciyaaray kaliya 195 daqiiqo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo boos ka waayay kooxda Arsenal.
Waxa jiray warar badan oo sheegaya in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda xagaaga Arsenal-na diyaar u tahay in ay iska iibiso maadama uu ka baxay qorshaha Arteta.
Laakiin sida laga soo xigtay The Athletic, Arsenal ayaaan wax qorshe ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Related