Saxiixyo kasta oo la sameeyo waxa jira qaar xumaada oo laga waayo wixii laga filayay hadaba waa kuwee saxiixyadii ugu xumaa xilli ciyaareedkii dhamaadah?
Xilli ay kooxuhu suuqa galinayaan lacago sanad kasta kooxaha ayaa sii fiicnaanaya iyada oo kooxu lacago u hurayaan sidii ay u tartami lahaayeen.
Waxa haatan dhamaanaya xilli ciyaareed xiiso leh iyada oo Premier Legaue dhamaaday sidoo kale horyaalada Italy, Germany iyo Spain qarka u saaranyihiin in ay dhamaadaan.
Waxa jira xiddigo suuqii laga bixiyay lacago badan iyada oo laga filayay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 21-ki saxiix ee ugu xumaa xilli ciyaareedkan dhamaaday:
1.Paul Pogba (Juventus, Xor):
Juventus ayaa qaadatay go’aan lama filaan ah markii ay Pogba dib ugu celisay Juventus inkasta oo aan xiddiga lagu eedayn karin dhaawacyada hadana kubada cagta ayaa marar qaar ah mid nasiib xumo ah waxana ay xiddiga ku keentay dhaawacyo.
Pogba ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay Juventus bishii May kadib dhaawac uu muddo ku maqnaa laakiin waxa uu kaliya ciyaaray 23 daqiiqo ka hor inta uuna mar kale dhaawacmin waxana la odhan karaa waa saxiixa ugu xun ee xagaagii ku biiray koox cusub.
2.Richarlison (Tottenham. £60m):
Xiddiga reer Brazil ayaa Tottenham kaga biiray lacag badan waxana la filayay in uu hogaamiyo weerarka Spurs laakiin xiddiga reer Brazil ayaa xilli ciyaareedka oo dhan dhaliyay hal gool.
Xiddiga ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay markii uu joogay kooxda Everton xilli ciyaareedkii hore.
3.Marc Cucurella (Chelsea, £63m):
Chelsea ayaa baanka u jabisay xiddiga Marc Cucurella si ay ugu xoojiso kooxda laakiin Xiddiga reer Spain ayaa si weyn ugu dhibaatooday kooxda chelsea isaga oo aan xitaa kulamo badan u ciyaarin Kooxda Blues.
Xiddiga ayaa ku fashilmay dhinaca difaaca sidoo kale waxa uu ku fashilmay in uu wax saamayn ah ku yeesho dhinaca weerarka waxana uu kaliya caawiyay 2 gool xilli ciyaareedka oo dhan.
4.Mykhailo Mudryk (Chelsea, £88.5m):
Chelsea ayaa 100 milyan ka bixisay xiddiga reer Ukriane waxana ay ka hor qaaday Arsenal oo muddo lala xidhiidhinayay saxiixiisa laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu saamayn ku yeesho kooxda.
Xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado England waxana ay u muuqataa in ay chelsea ku khasaartay lacagtii waali ahayd ee ay ka soo bixisay xiddiga.
5.Sadio Mane (Bayern Munich, £35m):
Mane ayaa ka tagay Liverpool oo uu wacdaro ka dhigay muddo dheer kana mid noqday xiddigaha ugu fiican booskiisa addduunka.
Xiddiga ayaa ku biiray Bayern Munich laakiin ma soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay xilli ciyaareedkan waxana haatanba lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.
6.Antony (Man Utd, £85m)
7.Callum Hudson-Odoi (Bayer Leverkusen, Amaah)
8.Raheem Sterling (Chelsea, £47.5m)
9.Ryan Gravenberch (Bayern Munich, £21m)
10.Arthur Melo (Liverpool, Amaah)
11.Dele Alli (Besiktas, Amaah)
12.Luis Maximiano (Lazio, £9m)
13.Pierre-Emerick Aubameyang (Chelsea, £12m)
14.Charles De Ketelaere (AC Milan, £30m)
15.Divock Origi (AC Milan, Xor)
16.Calvin Bassey (Ajax, £19m)
17.Renato Sanches (Paris Saint-Germain, £13m)
18.Matt Doherty (Atletico Madrid, Xor)
19.Kalvin Phillips (Man City, £42m)
20.Sergino Dest (AC Milan, Amaah)
21.Jesse Lingard (Nottingham Forest, Xor)

Related



Source link