Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaranyahay in uu isaga tago kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.
Karim Benzema ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska Real madrid waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa fog ee kooxda.
Sida laga soo xigtay Dairios AS, Karim Benzema ayaa hal lug kala baxay Real Madrid isaga oo dalab 2 sano ahoo uu ku qaadan doono 400 milyan oo euro ka helay koox reer Sucuudi ah.
Karim Benzema ayaa Halyeey ka noqay Real Madrid kadib sanado badan oo uu joogay kooxda kulana guulaystay koobab aad u badan oo ay ka mid yihiin champions League.
Real ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale laakiin Benzema ayaa u jan-jeeda in uu isaga tago Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Related



Source link